Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo tababar logu soo xiray Magaallada Muqdisho

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo Muddo Seddex Bilood ah Tababar Ciidan ku qaatay Dugsiga Tababarka ee Turki Som ayaa maanta waxaa Tababarka usoo xeray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali xuseen Jaamac (Gorod)

Munaasabad Ballaaran oo ciidamadaan tababarka loogu soo xerayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Safiirka Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya, wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Saraakiil ka Tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo Tababarayaal Turki ah.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa Baaq u diray Dowladaha taageera Soomaaliya, isaggoona ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Ciidamada xoogga dalka.

General C/weli Jaamac Xuseen(Gorod), ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaan maanta uu u dhammaaday tababarka ay u tababaran yihiin dhanka dhulka, isla markaasine ay dowladda Turkiga u dhameestirtay qalabka ay ku howlgali lahayeen.

Muddo seddex bilood ah ayay ciidamadaani tababar ku qaateen Xarunta Dugsiga Tababarka Turki Som, waana Dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Xarunta Dugsiga Turki Som.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...