Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo gaaray Deegaanno ka tirsan Galmudug

Date:

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa Maanta  gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey masuuliin katirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan wasiirka, islamarkaana inta uu joogo Dhuusamareeb waxyaabo badan ay kawada hadli doonaan.

Eng: Saadaq C/lahi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya oo kawarbixiyey Socdaalkiisa ayaa xusay in qiimeyn lagu sameyn doono hanaanka dhismo ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku yaalaan xarumo badan oo ay laheyd dowladii dhexe ee dalka, sidoo kalena uu xoojin doono xiriirka wasaaradda howlaha guud iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...