Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo gaaray Deegaanno ka tirsan Galmudug

Date:

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa Maanta  gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey masuuliin katirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan wasiirka, islamarkaana inta uu joogo Dhuusamareeb waxyaabo badan ay kawada hadli doonaan.

Eng: Saadaq C/lahi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya oo kawarbixiyey Socdaalkiisa ayaa xusay in qiimeyn lagu sameyn doono hanaanka dhismo ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku yaalaan xarumo badan oo ay laheyd dowladii dhexe ee dalka, sidoo kalena uu xoojin doono xiriirka wasaaradda howlaha guud iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...