Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo dhawaan la qaban doono

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo lahadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in la qaban doono Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo laga soo doortay Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in 15-ka bishaan magaalada Dhuusamareeb ay ka dhici doonta Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, islamarkaana ay ogeysiinayaan Musharaxiinta, Ergada iyo Odayaasha ka masuulka ah kursigaasi iney u diyaar garoobaan sidii doorashadaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen.

“15-ka Bishaan ayaan qaban doonaa Doorashada” inta ka horeysana waxaan fulin doonaa shuruucda Doorashada” waxaan ka codsaneynaa Galmudug iney noo diyaar garoobaan, waxyaabaha aan uga baahanahay ee ay kamid tahay goobta Doorashada iyo Nabad galyada Doorashadana ay noo diyaariyaan” ayey tiri Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in wax waliba oo ku saabsan Doorashadaasi ay iyaga masuul ka yihiin, islamarkaana dhinacyada ay la xiriirto doorashada looga baahan yahay oo kaliya iney usoo diyaar garoobaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...