Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo dhawaan la qaban doono

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo lahadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in la qaban doono Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo laga soo doortay Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in 15-ka bishaan magaalada Dhuusamareeb ay ka dhici doonta Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, islamarkaana ay ogeysiinayaan Musharaxiinta, Ergada iyo Odayaasha ka masuulka ah kursigaasi iney u diyaar garoobaan sidii doorashadaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen.

“15-ka Bishaan ayaan qaban doonaa Doorashada” inta ka horeysana waxaan fulin doonaa shuruucda Doorashada” waxaan ka codsaneynaa Galmudug iney noo diyaar garoobaan, waxyaabaha aan uga baahanahay ee ay kamid tahay goobta Doorashada iyo Nabad galyada Doorashadana ay noo diyaariyaan” ayey tiri Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in wax waliba oo ku saabsan Doorashadaasi ay iyaga masuul ka yihiin, islamarkaana dhinacyada ay la xiriirto doorashada looga baahan yahay oo kaliya iney usoo diyaar garoobaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...