Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia.

Date:

Dowladda Australia ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Iiraan ay ka saartay Liiska waddamada codsan kara mashruuca Bani’adamnimo ee dadka Soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan Dalkaasi.

Muhaajiriinta ka yimaada siddeed dal ayay Dowladda Australia sheegtay in loo kala horumarin doono mid ka mid ah Barnaamijyada dib u dejinta Qaxootiga ee Australia,waxayna  muwaadiniinta kale ay u sheegeen in codsigooda aysan u badnayn in la aqbalo.

Wargeyska The Guardian ayaa ogaaday in dalalka mudnaanta leh ay kala yihiin Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo,Afgaanistan,Eritrea,Ethiopia,Myanmar,Bhutan,Syria iyo Ciraaq,iyadoo wadamo dhowr ah oo horay loogu tixgeliyay Barnaamijka dib u dejinta hadda laga saaray,sida Koonfurta Suudaan,Soomaaliya iyo Iiraan,awoodna uma yeelan doonaan iney codsadaan Mashruuca dib u dejinta dadka Soo galootiga ah ee Dowladda Australia ay bixiso.

Tallaabadaan ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha caalamka iyo waliba Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha,iyagoo ku tilaamay “ Midab takoor cad”.

Mashruucaan dib u dejinta dadka Soo galootiga ee Australia ayaa ahaa mashruuc la soo jeediyay lana bilaabay sanadkii 2013-dii.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia ayaa Wargeyska The Guardian u sheegay in mudnaanta Mushruuca bini-aadanimo ee Australia qeybna ka ah Mashruuc lagu taageerayo Bulshada uu yahay mid sanad kasta ay go’aamiso Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...