Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia.

Date:

Dowladda Australia ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Iiraan ay ka saartay Liiska waddamada codsan kara mashruuca Bani’adamnimo ee dadka Soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan Dalkaasi.

Muhaajiriinta ka yimaada siddeed dal ayay Dowladda Australia sheegtay in loo kala horumarin doono mid ka mid ah Barnaamijyada dib u dejinta Qaxootiga ee Australia,waxayna  muwaadiniinta kale ay u sheegeen in codsigooda aysan u badnayn in la aqbalo.

Wargeyska The Guardian ayaa ogaaday in dalalka mudnaanta leh ay kala yihiin Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo,Afgaanistan,Eritrea,Ethiopia,Myanmar,Bhutan,Syria iyo Ciraaq,iyadoo wadamo dhowr ah oo horay loogu tixgeliyay Barnaamijka dib u dejinta hadda laga saaray,sida Koonfurta Suudaan,Soomaaliya iyo Iiraan,awoodna uma yeelan doonaan iney codsadaan Mashruuca dib u dejinta dadka Soo galootiga ah ee Dowladda Australia ay bixiso.

Tallaabadaan ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha caalamka iyo waliba Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha,iyagoo ku tilaamay “ Midab takoor cad”.

Mashruucaan dib u dejinta dadka Soo galootiga ee Australia ayaa ahaa mashruuc la soo jeediyay lana bilaabay sanadkii 2013-dii.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia ayaa Wargeyska The Guardian u sheegay in mudnaanta Mushruuca bini-aadanimo ee Australia qeybna ka ah Mashruuc lagu taageerayo Bulshada uu yahay mid sanad kasta ay go’aamiso Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...