Mareynkanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab iyo Bucad badeeda.

Date:

Donal Trump,madaxwenaha dalka Mareynkanka ayaa saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Maleeshiyada Al-Shabaab,sidoo kalena lagu ciribtiro kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.

Amarka xaaladda deg deg ah oo Mareynkanka Soomaaliya saaray sanadkii 2010-kii ayaa hadda waxay dhaceysaa bisha May ee soo socota,sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka cad ee Mareynkanka.

Warka ka soo baxay Mareynkanka ayaa lagu sheegay in xaaladda deg deg ah ee ugu horeysay lagu dhawaaqay sanadkii 2010-kii,waxaana la kordhiyay dhowr jeer sababo la xiriira weerarada Burcad badeeda ka jira xeebaha Soomaaliya iyo Maleeshiyada Al-Shabaab oo kordhay.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka shalay oo arbaco ah ka soo baxay Aqalka cad,waxaa mudo hal sano ah lagu kordhiyay xaaladda deg deg ah ee lagu doonayo in lagu ciribtiro Maleeshiyada Al-Shabaab oo hadda u muuqda kuwo sii daba go’aya.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dadaal ugu jira sidii dalka looga saari lagaa Kooxaha Argagixisada oo hadda bilaabay iney u cararaan dhulka howdka ah,iyadoo halkaasina ay ku duqeynayaan diyaaradaha Mareynkanka ee loo yaqaano Drones-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...