Golaha Ammaanka oo cambareeyay weerarkii Argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Buula-mareer.

Date:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagaxisanimo ee 1-da bishan April ay Maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM,wuxuuna weerarka ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in argagixisada dhammaan hab dhaqankooda iyo muuqaalkooda ay ka dhigayaan mid ka mid ah hanjabaadaha ugu halista badan nabadda iyo Xasiloonida caalamka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha Amaanka arbacadii shalay.

Golahu wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la horkeeno cadaalada danbiilayaasha,qaban-qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha kuwa ficilada argagixisanimada ku kacaya.

Weerar ay Kooxda Al-Shabaab Aroornimadii Axada ee todobaadkaan ay ku qaadeen deegaanada Buula-mareer,Golweyn iyo Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa iska caabin xooggan ay kala kulmeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka ,iyadoo looga dilay Alshabaab 66 maleeshiyo oo ay kujiraan Horjoogayaal ,halka gaadiid Qaraxyo ay ka soo buuxiyeen looga bur buriyay,iyagoo aan soo gaarin bartilmaameedkoodii.

Golaha Amaanka ee Qarada Midoobay ayaa balan qaaday inuu sii kordhin doono taageerada uu siinayo Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM si meesha looga saaro weerarada Maleeshiyada Al-Shabaab loona soo celiyo nabada iyo xasiloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...