Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda +Sawirro

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb qaatay ololaha billahaa ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis , waxuna gacantiisa uga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaankooda, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid walba oo qashin ku shubta laamiga iyo goobaha kale ee bulshadu isugu timaado.

“Maanta waa waqtigii aynu u astaynay nadaafadda oo magaalada dhan laga fulin doono, waxaa muhiima in dhammaanteen aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda, iskana nadiifino qashinka. Haddii aynaan qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka iyo xaafadaha ma jirto cid dibedda nooga keenaysa dal nadiif ah.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhamaan xarumaha dawlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ololahan nadaafadeed, iyadoo uu hormuud u yahay Maamulka gobolka Benaadir isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...