Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda +Sawirro

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb qaatay ololaha billahaa ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis , waxuna gacantiisa uga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaankooda, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid walba oo qashin ku shubta laamiga iyo goobaha kale ee bulshadu isugu timaado.

“Maanta waa waqtigii aynu u astaynay nadaafadda oo magaalada dhan laga fulin doono, waxaa muhiima in dhammaanteen aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda, iskana nadiifino qashinka. Haddii aynaan qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka iyo xaafadaha ma jirto cid dibedda nooga keenaysa dal nadiif ah.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhamaan xarumaha dawlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ololahan nadaafadeed, iyadoo uu hormuud u yahay Maamulka gobolka Benaadir isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...