Wasiirka Caddaaladda oo furay shir ku saabsan Caddaaladda dalka ( Sawirro)

Date:

Wasiirka Cadaalada X. F. Soomaaliga ayaa maanta Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Cadaaladda X. F. Soomaaliya  ayaa loo qabtay xubno ka socday qeybaha Cadaaladda sida Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, qareennada iyo asluubta, iyadoo furitaankiisa ay ka qeybgaleen, wasiirrada Cadaaladda ee maamul-goboleedyada, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir,   taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirka Cadaalada ee X. F. Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ka hadlay munaasabaddii furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in ujeeddada shirkan ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe howeedka Sadexda sano ee soo socota, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda shirkani u leeyahay horumarinta caddaaladda dalka..

Wasiirka Cadaaladda ee dowlad-goboleedka Puntland Saalax Xabiib oo ku hadlay magaca maamul-goboleedyada ayaa sheegay in maamul-goboleedyada ay baahi weyn u qabaan helitaanka goobiha Caddaalada isagoo ammaanay dadaallada wasaaradda Cadaalada ee X. F. Soomaaliya ay ku bixineyso hagaajinta garsoorka dalka..

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda X. F. S oomaaliya Avv. Xasan Xaaji oo shirkaasi furay ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha wasaaradda ee ku wajahan horumarinta cadaaladda, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkani ay ka soo bixi doonaan natiijooyin loo aayo.

Shirkan oo socondoona muddo labo maalmood ah ayaa daba socda shir hore loogu qabtay Muqdisho oo looga hadlay hurumarinta hannaanka garsoorka dalka iyadoo go’aannadii ka soo baxay lagu sii falanqeyn doono shirkan maanta ka furmay Muqdisho.

  

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...