Wasiir Cawad” Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeenna”

Date:

Wasriirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane; Axmed Ciise Cawed, ayaa sheegay inuu ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area] uu fursad weyn u yahay Soomaaliya.

Abb; Cawed oo ka hadlayay shir madaxeedka Tobanaad ee Hoggaamiyeyaasha Afrika ee Shalay ka qabsoomay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda ayaa intaa ku daray in Afrika laga doonayo inay ka dhabayso hindisaheeda,iyadoo lagu bixinayo dadaal mug leh si loo gaaro horumar wadaag ah, laguna xisaabtamo inay Dunida Maanta si xowli ah isu beddelayso.

Wasiir Cawad oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Dalka Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay inay codkeeda ku biiriso taageeridda heshiiskan Taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee Waddamada Afrika, si isbaddal loogu sameeyo dhaqaalaha Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in wax wadaagiddu ay fursado waaweyn siinayso shacabkeenna, isla markaana ay ku dedaalayaan ka jibba-gaadhidda filshada dhaqaale ee Dalka, ayna Afrika wadajir u gaari karto koboc dhaqaale.

Ganacsiga xorta ah ayuu sheegay inuu yahay tallaabbo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa, si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah,isagoo miraha heshiiskan ku tilmaamay muqstaqbalka Dhallinyaradeenna iyo jiilka soo koraya, wuxuuna sheegay inuu yahay heshiiska mid xoojinaya wadajirka, madaxbannaanida, xaqiijinta karaamada iyo adkaynta nidaamka Dowliga ah ee Soomaaliya.

“Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika waa tallaabo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, miraha heshiiskanna waa mustaqbalka dhalinyaradeenna iyo jiilka soo baxaya, waxaa intaasi oo dhan ka sii muhiimsan wuxuu xoojinayaa wadajirkeena, wuxuu dhowrayaa madax bannaanideena, wuxuu xaqiijinayaa karaamadeena iyo waxa uu sare yeelayaa heerka aan ka joogno nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in waddooyin cusub loo marayo sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Qaaradda, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inay qabtaan ka Qaarad ahaan iyo Soomaaliyaba, isagoo intaa raaciyay inay dirayaan farriin Qaaradeed oo culus, si ay ugu soo dhalaalaan aaya ka talintooda iyo xoojinta ka dhabaynta astaanta ku suntan Qaaradda barwaaqada ah.

Amb; Cawad ayaa ku cel-celiyay inay Soomaaliya ballan qaadayso inay is barbar taagto oo la shaqayso Ururka Midowga Afrika, si loo sugo meelmarinta heshiiskan iyo fulintiisa, taasoo uu ku tilmaamay inay faa’iido gaar ah u leedahay Dadkeenna iyo jiilalka soo korayaba.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu dambayntii kalsooni buuxda ka muujiyay in heshiiskani uu yahay midkii u saldhigay mustaqbal barwaaqeysan oo ay Qaaraddeenna yeelato iyo marxalad cusub oo iskaashi iyo horumar dhaqan-dhaqaale ah oo ay yeeshaan Dowladaheenna iyo shucuubteenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...