Horjoogihii Alshabaab ee G/Baay oo sheegay isaga iyo dhiggiisa Gedo inay isaga baxeen Kooxdaasi.

Date:

Horjoogihii Kooxda Alshabaab ee Gobolka Baay Macalin Geedoow Aadan Abuukar ayaa sheegay inay Alshabaab ay isaga baxeen isaga iyo dhigiisii Alshabaab ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow.

Macalin Geedoow oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay isku fahmi waayeen Alshabaab joojinta dhibka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Horjooge Geedoow ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inay Alshabaab isaga soo baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama kooxdaasi ,islamarkaana waxuu sheegay hadda in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Geedoow ayaa ku tilmaamay kooxdii uu kamid ahaan jiray ee argagixisada Alshabaab inay yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Uga dambeyn waxaa uu sheegay inay heystaan isaga iyo Horjoogihii Alshabaab ee Gobolka Gedo Fiiloow ciidan xooggan oo Alshabaab ay isaga difaacaan, isagoo intaa ku daray in Alshabaab ay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafka kala dhaxeeya Argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....