Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Date:

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo uu wehliyo Ku-xigeenkiisa koowaad Dr. Muuse Macallim Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bakar.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr.olgan Bakar,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Ku-xigeenkiisa ayaa kullan oo ay Arrimo muhiima kaga wada hadleen wada qaatay.

Mr; Olgan Bakar;ayaa kullanka kadib waxa uu booqday xafiisyada Xeer ilaalinta ay ku shaqeeyaan, waxaana warbixin ku aaddan habka howsha loo qabto siiyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

ku-xigeenka Koowaad ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Muuse Macalin Maxamed ayaa ka hadlay Booqashada Safiirka Turkigu ee xafiiska Xeer ilaalinta iyo kulanka ay la qaateen.

“ Waxay ahayd booqasho caadi ah oo safiirka uu ku yimid Xafiiska Xeer ilaaliyaha  Guud ee Qaranka,aadaan runtii u soo dhoweynay inkastoo xafiiska aad ugu mashquulsan yahay Waajibaadka iyo howlaha dastuuriga iyo kuwa qaanuuniga ee saaran,waxayna noo ahayd booqasho iyo kulan gaar ah oo aan la yeelanay safiirka, ujeedka safiirkana wuxuu ahaa inuu u kuur galo, arko,la kulmo goobta uu ku shaqeeyo xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” Ayuu yiri ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Muuse Macalin Maxamed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Guddoonsiiyay billad sharaf Safiirka Turkiga Olgan Bakar oo ugu mahad celiyay Walaalaha Turkiga Garab istaagooda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...