Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiira arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay qiimaha weyn ee ay ummadaha Afrika ugu fadhido inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa  kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlaayo dib-u-habaynta Garsoorka dalka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...