Wasiir Maareeye oo la kulmay Wafdiga ka socda dalka Masar+Sawirro

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Masar,Bankiga dhexe ee Masar,Bakiga Horumarinta iyo Ganacsato ka soo jeeda dalkaasi.

Wasiir Maareeye iyo Wafdiga ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Masar ayaa ka wada hadlay Arrimaha Maalgashiga,Xiriirka Labada dal,sidii ganacsatada Soomaaliyeed suuq loogu heli lahaa dalka Masar oo ay u iib-geeyaan Allaabadooda,kullamo kan xiga oo ka dhici doona Masar oo Heshiisyo labada Wasaaradood ay ku kala saxiixan doonaan iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeyee iyo Qunsulka safaarada Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat El.mahdy oo kullanka ka dib si wadajir ula hadlay Warbaahinta ayaa muhiimadda kullankan ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo xiriirka Labada dalka,islamarkaana lagu xoojinayo xiriirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Masar.

Kullanka kan xiga ee lagu wado inuu ka dhacdo dalka Masar ayaa waxaa Heshiisyo Isfahan ku kala saxiixan doono rugaha ganacsiga iyo Warshadaha Labada dal,kuwaasi oo kor loogu qaadayo Suuqyada Ganacsiga iyo horumarinta Allaabada la isku dhoofiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo La Wareegtay Awoodda Garsoorka ee Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee...

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi...

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay qoysaska ay abaartu sameysay ee ku nool gobolka Hiiraan

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay bulshada ku dhaqan...