Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee New Delhi

Date:

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India kaga qeyb galaya Shirka Caalamiga aha ee ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta (International Solar Alliance), oo shalay ka furmay dalka India ayaa Khudbad ka jeediyay shirkaasi wuxuuna kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo muhiimadda shirkaasi dalka u leeyahay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka wuxuu xusay in aysan Soomaaliya xubin kaliya ka ahayn  isbaheysiga caalamiga ah ee Tamarta (International Solar Alliance),sidoo kalena ay ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA Framework Agreement ISA.

“Soomaaliya ma ahan oo kaliya xubin ka mid ah Axdiga Caalamiga ah ee (International Solar Alliance),balse waxay sidoo kale ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA. Soomaaliya ayaa sidoo kale saxiixday Heshiiska Paris, waxaana uu si joogta ah u xoojiyay mudnaanta sare ee la xiriirta wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo in lala sii wado beesha caalamka hirgelinta qorshayaal caalami ah”ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka

Mr. Mahdi,ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay madaxweynay Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisal wasaaraha dalka India Narendra Modi in Dowladda Soomaaliya ay ku casuumaan shirka Taariikhi ah ee ka dhacay magaalada New Delhi ee caasimadda India.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beesha caalamka ugu baaqay iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,maadama horumaro laga sameynayo dhinacyo badan oo dhanka Siyaasadda,Amniga iyo Arrimaha Bini-adanimada ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...