Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee New Delhi

Date:

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India kaga qeyb galaya Shirka Caalamiga aha ee ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta (International Solar Alliance), oo shalay ka furmay dalka India ayaa Khudbad ka jeediyay shirkaasi wuxuuna kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo muhiimadda shirkaasi dalka u leeyahay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka wuxuu xusay in aysan Soomaaliya xubin kaliya ka ahayn  isbaheysiga caalamiga ah ee Tamarta (International Solar Alliance),sidoo kalena ay ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA Framework Agreement ISA.

“Soomaaliya ma ahan oo kaliya xubin ka mid ah Axdiga Caalamiga ah ee (International Solar Alliance),balse waxay sidoo kale ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA. Soomaaliya ayaa sidoo kale saxiixday Heshiiska Paris, waxaana uu si joogta ah u xoojiyay mudnaanta sare ee la xiriirta wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo in lala sii wado beesha caalamka hirgelinta qorshayaal caalami ah”ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka

Mr. Mahdi,ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay madaxweynay Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisal wasaaraha dalka India Narendra Modi in Dowladda Soomaaliya ay ku casuumaan shirka Taariikhi ah ee ka dhacay magaalada New Delhi ee caasimadda India.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beesha caalamka ugu baaqay iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,maadama horumaro laga sameynayo dhinacyo badan oo dhanka Siyaasadda,Amniga iyo Arrimaha Bini-adanimada ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...