kulankii ugu horeyay ee kalfadhiga barlamaanka Soomaaliya oo Go’aano mihiim laga soo saaray

Date:

Kalfadhiga Sedaxaad kulankiisa koowaad oo ku furmay 170-Mudane ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay waxa uu mudanayaasha u sheegay in loo soo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixanyihiin 11-Xildhibaan oo lagu dalbanayo in dib loo dhigo ka hadalka arinta Shirkada DP World ee heshiiska dekada ber bera oo ka mid ahaa Ajendayaasha maanta goluhu ay ka hadlayeen,ka dibna cod ayaa la geliyay waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyahaya golaha Shacabka

Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulanka ka akhriyay Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed oo ah xeer uu guddooonka golaha shacabka curiyay,waxaana Xildhibaanada qaarkood oo hadlay ay soo dhoweeyeen xeerkan uu goluhu soo saaray.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid dhaxal u ah umada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xeerkan uu horey isugu raacay gudiga joogtada ah ee golaha shacabka.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod ah in qaraarkan uu sidii loo soo jeediyay iyo wax ka bedel lagu sameeyo geliyay xeerkan Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed ,waxaana ogolaatay 168-mudane hal aya diiday midna waa uu ka aamusay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar.

Waxaa loo gudbay Ajendaha labaad oo ahaa qeybinta warbixinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka,sidoo kalana xildhibaanada waxaa loo qeybiyay miisaaniyada 2018 ee golaha shacabku Ansixiyay,Waxaana Akhriyay Xildhibaan Maxamuud MacalinYaxye oo ah gudoomiyaha xeer hoosaadka ee golaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...