Baarlamaanka soomaaliya oo dalka ka mamnuucay shirkada DP world

Date:

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa meel mariyay “XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED” oo qeexaya in dalka laga mamnuucay shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kullankii maanta ay isugu yimaadeen Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyay EERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED”.

Xeerkaan qodob ka mid ah waxa uu si rasmi ah dalka uga mamnuucayaa shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada waxaa la hadlay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaam “Jawaari ” , Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cawad oo xeerkan Akhriyey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...