Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in al shabaab meel loga soo wada jeesto

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab dhibaato ku hayaan qaranimada Soomaaliya loona baahan yahay in meel looga wada soo jeesto dagaalka lagula  jiro nabad diidka argagaxisada ah ee  Al-shabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya xili uu sheelay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa dastuurina ah ka hor jeedinaayay munaasbadii lagu furayay kalfadhigii sedexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu tilmaamay Madaxweyne Farmaajo in Dalku ku jiro dagaal kaasoo dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab kuwaas oo wali ku dhuumaalaysanaya meelo kamid ah dalka.

Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha qaranka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha Dalka si looga maarmo ku tiirsanaashaha kaalmada shisheeye dowladuna u bixiso qarashaadka Ciidamada Qaranka “ayuu yiri” mudane Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay khudbad taariiqi ah oo taabanaysa dhinacyo kala duwan kuna saabsan xaaladda guud ee Dalka ka hor jeediyay furitaanka kalfadhigii sedexaad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaaso ahaa mid dastuuri ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...