Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Date:

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf, Imaamkii beesha Mudulood Hiraab, deegaanka Ceel- Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo hore loogu aasay Imaamkii isaga ka horreeyay, Imaam Maxamuud.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, xilli uu halkaas ugu maqnaa daryeel caafimaad, waxaana Salaadda janaasada lagula tukan doonaa Masjidka Iskaashiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, Culimaa’uddiin, isimmo iyo waxgarad, iyo sidoo kale ehelka, qaraabada iyo dadweyne fara badan.

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Salaad Cali Jelle, ayaa ka hadlay taariikhda iyo doorkii wax-ku-oolka ahaa ee marxuumku ku lahaa dib u heshiisiinta bulshada, nabadeynta iyo dib u dhiska dowladnimada.

Sidoo kale, Imaam dhaahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka hadlay noloshii, halgankii iyo adeegyadii uu marxuumku u soo qabtay bulshada Soomaaliyeed.

Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee sida weyn loogu yaqaanay dhexdhexaadinta beelaha, nabadeynta bulshada iyo xal u helidda colaadaha sokeeye, gaar ahaan muddadii adkayd ee ka dambeysay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...