Madaxweyne Waare oo Jowhar ku qaabbilay Saraakiil ka socotay QM (SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabbilay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Johwar.

Waxanay Labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.

Saraakiishani Ka Socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa Hogaaminayay Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha Kulanka Ku Wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Ammaanka, iyo La Tiliyeyaal Sare.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Madaxa Xafiiskaasi Mudane Benjamin.

Wuxuuna Mr; Benjamin, u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan sida caawimaadda Dadka ay abaartu  saameysay, horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska degaannada Hirshabelle, arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu darantahay Biyo la’aanta.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen saraakiishaasi fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulankan ayaa qeyb ka dadaalada Madaxweynaha Hirshabelle uu ku doonayo horumarinta Dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo mudada uu joogo madaxweynaha la qabtay howla badan oo muhiim u ah Heykalka Dowladnimo ayna bilowdeen Mashaariicyo horumarineed taasi oo ay soo dhoweeyeen Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...