Dhaawacyadii ugu Dambeeyay Qaraxii Soobe oo laga soo sagootiyay Dalka Turkiga (SAWIRRO).

Date:

Dhaawacyadii  Ugu Dambeeyay Qaraxii Soobe ayaa Xalay Laga Soo Sagootiyay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Safaaradda soomaaliya ee dalaka  Turkiga oo gacan wayn kahelaysa  Wasaaradda Caafimaadka ee Dalaka Turkiga ayaa si wada jir ah u soo sagootiyay Bukaanadii ugu dambeeyaya  qaraxii  14kii October ka dhacay Zoobe  oo mudo badan lala taacalayay dhibaatadii ka soo gaartay.

Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa isku xilqaantay sidii ay u lataacaali laheyd dhawacyadii qaraxii 14kii October oo saameyn wayn ku yeeshay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo u ahyed maalin madow Khasaarihii uu geystay  qaraxaas, iyadoona deeq daawo iyo caafimaad iskugu jirta ugu deeqday dhamaan bukaanadii ku wax yeeloobay , una qaaday dhawacyadii liitay dalka Turkiga si ay u helaan deeq caafimaad.

Bukaanadan oo ka koobnaa 6 ruux ayaa ka soo amababaxay Garoonka diyaaradaha  ee magaalada Ankara oo ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka  ee Turkiga, waxaana lagu wadaa in ay soo gaaraan  maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay ugu kuur gali laheyd Bukaanadaas, iyadoona  u xilsaaratay  Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga  C/qaadir Maxamed  Xuseen Barqadle.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Barqadle  ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay  in dhamaan dhawacyadii soo gaaraay dalka Turkiga  dib loogu celiyay muqdisho, iyagoo caafimaad qaba, guud ahaan dhawacyadaas oo ka koobnaa 35 ruux iyo 34 ruux oo la socotay.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda ayaa si wayn ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga ,kuna amaanay sida ay iskugu xilqaantay una caawisay bukaanadii ay wax yeeladu ka soo gaaratay qaraxii 14kii October ka dhacay  muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...