Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo la kulmay wafdi ka socdey heyโ€™adda ICRC

Date:

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti ka socdey hayโ€™adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks.

Wafdiga hayโ€™adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hayโ€™adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hayโ€™adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hayโ€™adda ICRC xafiiskeeda Garoowe Abdifatah Fandhaal.

Kulanka Madaxweynha iyo hayโ€™adda ICRC oo ka dhacay Magaalada Garawe ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka baniiโ€™ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hayโ€™adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hayโ€™addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday, isagoo sidoo kale sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxda arga gixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxa Wafdiga ICRC ayaaka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in Puntland iyo Hayโ€™adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay inuu arko isbadal la taaban karo oo ah dhinaca horumarka Puntland, isbedelkaas oo si baaxad leh umuuqda in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hayโ€™ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta dadka iyo duunyda Puntland.

C/wali Gaas ayaa ku booriyey Hayโ€™adda ICRC inay kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar walba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland islamar ahaantana waxaa uu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo, biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka iyo abaaraha.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa hayโ€™adda ICRC Soomaaliya ayaa isku afgartay dhammaan arimiihii ay ka wada hadleen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hayโ€™adda ICRC in ay dardar gelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Deeganada Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka, ceelal biyoodyo iyo biyo xireenana laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale