Wasiirka maaliyadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha QM ย u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr: Keating, waxa ayna ย ka ย wada hadleen howlaha horumarinta maaliyadda oo ย ay wasaaraddu ku guuleysatay.
“Maanta waxaa xafiiska igu soo booqday Wakiilka QM ee Soomaaliya ย Mr: Keatingย waxaan ka wada hadalney arrimaha horumarka Maaliyadda.
Waxaan sidoo kale Hambalyo u dirney Haweenka Somaaliyed ee 8 Maarso oo ku beegan maalinta haweenka adduunka” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ย dhawaanahaan ku guuleystay sidii loo maareyn lahaa howlaha maaliyadeed ee dalka iyadoo Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ย ah ee Soomaaliya uu dalka Mareykanka ย uga qeyb gelayo shir looga hadlayo arrimaha horumarinta maaliyadda iyadoo sidoo kale ay xukuumadu dadaal ugu ย jirto sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

