Shirka waxqabadka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu qabtey Garoowe

Date:

Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa maanta magalada Garoowe si wada jir ah uga furay Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka oo markii ugu horeysay Garowe lagu qabtay.

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in uu bilowday shirar saddax bilaha ah oo ay Hay’adda ku qabaneyso xarumaha ay ku leedahay laamaha dowlad goboleedyada, isagoo intaa raaciyay in magalaada Garoowe ay nasiib u heshay in shirkii ugu horeyay lagu qabto.

Madaxweyne ku xigeynka  Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in howl wanagsan ay ka socoto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadd, shirka maanta Garoowe ka furmayna u yahay mid la iskula xisaabtamayo wax yaabihii qabsoomay sedaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo caqabada lala kulmay, isagoo intaasi ku daray in arintaasi ay tahay muuqaalka lagu yaqaanno nidaamka dowladnimada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha laamaha Hay’adda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa socon doona muddo labo cisho ah, iyadoo looga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay hay’adda iyo caqabadaha lala kulmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...