Maamulka hirshabelle oo hub ku wareejiyey ciidamada Amisom

Date:

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wareejiyay hub ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka soo badbaadiyeen weerar gaadmo ah oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ku qaadeen lagu qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabad lagu qabtay maanta Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u mahadceliyay qaar kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo jimcihii aynu ka soo gudubnay lagu weeraray duleedka degmada Balcad.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada booliska Hirshabelle Cornel Xasan Dhicisow waxana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Milatarigaba ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

โ€œWaxaan ugu tagnay iyadoo ciidamadii Alshabaab ay joogaan goobtii dagaalku ka dhacay,waxaan ka soo badbaadinay qaar ka mid ah qoryihii ku xirnaa hubka ay AMISOM wateen,ciidamo goโ€™odoomayโ€ayuu yiri taliye Xasan Dhicisow.

Munaasabadan ayaa lagu wareejiyay saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM labo qori oo noocoodu yahay Dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo lagu gubay duleedka Balcad, waxana ay saraakiisha ciidamada AMISOM u mahadceliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

โ€œWaxaan halkan aan u joogaa in aan dib ula wareegno hub lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen walaalaheena.โ€ayuu yiri sarkaalka u sareeya ciidamada AMISOM ee ka howlgala dowlad goboleedka Hirshabelle.

โ€œTan waxa ay cadeyn u tahay in aan iskaashanayno oo aan si wadajir ah oo walaatinimo leh aad inoola shaqeyneysaan.โ€ayuu sii raaciyay sarkaalkan.

Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidamada gurmadka fidiyay ay ahaayeen kuwo muujiyay geesinimo isla markaana maamulka uu abaalmarinayo.

โ€œSharafta iyo geesinimada aad muujiseen kuwii gurmaday iyo kuwii taakuleeyay intaba waa mid muujineysa Wadaninimo iyo Soomaalinimo.โ€ayuu yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay munaasabad lagu wareejinayay hub ay ciidamada dowlada federalka ka soo badbaadiyeen weerar ay ku qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,wasiiro,xildhibaano iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxaa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasoo saad u sidey ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...