Maamulka Galmudug oo kulamo nabadeed la qaatay Odayaasha Caabudwaaq.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey)  iyo wafdi uu hoggaamainayo oo Maalmahan socadal nabadeed ku marayay degaanno ka tirsan Gal-gaduud ayaa kulamo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka Dagmada Caabudwaaq.

Mudane; Carrabeey iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Odayaasha iyo wax garadka degaannadii ay booqdeen, iyagoo kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda u dhexeysa Dadka reer miyiga ah ee ku nool tuuloyinka.

Labada dhinac ayaa waxay isku Af garteen in la joojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan degaannadaasi, iyagoo isku waafaqay in wax walba lagu dhammeeyo wada hadal iyo waan waan.

Madax weyne kuxigenka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Odayaasha ay la kulmeen isla meel dhigeen in la joojiyo colaadda ka taagan degaankaasi , wax walbana wada hadal lagu dhameeyo, wuxuuna intaa raaciyay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin ciddii jebisa xabbad joojinta lagu ballamay.

Mudane; Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in uu maamulku tallaabo ka qaadi doono ciddii ka hor timmaadda heshiiskan, isagoo intaa raaciyay in halka lagu dagaallamay la geyn doono Ciidamo ka socda nabad sugidda iyo Boliiska Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan shir ku qaban doonaan Magaalada Caabudwaaq, kaas oo lagu soo Afjari doono dedaallada dib u heshiisiinta ah ee uu Maamulku halkaasi ka wado, si xal waara looga gaaro isku dhacyada soo laalaabtay ee u dhexeeya Dadka Xoolo dhaqatada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...