Golaha amniga Muqdisho oo qodoba ka soo saaray kulan eey yeesheen.

Date:

Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob  oo mudnaan u leh ammaanka Caasimadda.

Waxaa  sidoo kale kulanka lagu falan-qeeyey  hab dhinac waliba leh ee wax looga qaban karo xaaladda amniga  caasimadda, kaas oo aad muhiim u ah, maadaama la diyaariyey ciidamo isku dhafan oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa falalka ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed  kooxaha argagixisadu.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday halka uu marayo qorshaha wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca ammaanka, iyada oo la kaashanayo qeybaha ciidamadda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii guul mirro dhal ah looga gaari lahaa xasillinta Caasimadda.

“Xasillinta amniga Caasimaddu ma ahan arrin hal maalin oo qura laga shaqeeyo, waa in aad si joogto ah uga ka qeyb-qaadataan,  adinkoo  la imaanaya wax-qabad kaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar  walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena,  waana in aad qaadataan masuuliyad naga wada saaran arrintan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Kulanka ayaa waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray, dhacadadii degmada Warta Nabadda  oo koox burcad ay boob iyo dil u geysteen ganacsato Soomaaliyeed iyo nin Bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Hodan, iyadoo dhammaan gacanta lagu soo dhigay dadkii ka danbeeyey falalkaas oo hadda ku xiran C.I.D  sharcigana la horgeyn doono, waxana hoosta laga xariiqay in aan la aqbalayn shaarka dawladda lagu dhibaateeyo shacabka.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee aan ka tirsanayn Guutada 12 abriil looga saari lahaa magaalada, dibna loogu celin lahaa xeryahooda, si loo adkeeyo dhaq-dhaqaaqa amniga Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...