Al-shabaab oo dilay Dameero u rarnaa ganacsatada Waajid.

Date:

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay Gaari dammeero siday raashiin ay lahaayeen Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,iyagoona gubay ku dhawaad 10-gaari dammeer iyo raashiikii u rarnaa Ganacsatada degmadaasi.

C/qaadir Nuur Goome oo ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab deegaan duleedka ka ah degmada Waajid ay ku dileen ku dhawaad 10-dammeer ah,islamarkaana ay gubeen raashiinkii saarnaa oo u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dammeerada Raashiinka siday ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceelboon waxayna ku sii jeedeen degmada Waajid.

“ deegaano banaanka ka ah degmada Waajid ayaa kuwii Shabaabka ahaa wadada u galeen Kareetooyin Raashin sida (Gaari Dameero) degmada u soo socday,dameeradii wey dileen raashiinkiina wey gubeen”,ayuu yiri Guddoomiye Goome.

Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid C/qaadir Nuur Goome ayaa sheegay in ragii waday dameerada ay ka soo baxsadeen Kooxda Al-Shabaab,islamarkaana degmada ay yimaadeen,isagoona dhanka kale tilmaamay iney tageen deegaanka ay Shabaabka ku gubeen raashiinka durbana maleeshiyaadka goobta isaga baxsadee..

Wuxuu sheegay in hanti badan oo lagu qiyaasay 50-dollar goobta ay kaga baaba’day Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,waxaana hadda wada hadalo u socda Ganacsatada Raashiinka laga gubay iyo maamulka degmada Waajid,sida uu Guddoomiye Goome sheegay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...