shir wadatashi ah oo looga hadlay dib u howlgelinta Hayโ€™adda Jidadka oo ka furmayย Muqdisho

Date:

Shirkaan Waxaa soo Qaban Qaabisay Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryenta Dowlada Soomaaliya, Waxaana Ka soo Qayb Galay Masโ€uuliyiin Ka Socota Maamul Gobaleedyada dalka,Taliska Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafika loo yaqaano iyo Wakiilo ka socda Midowga Yurub oo shirka maalgelineysa.

Shirkan oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa inta uu socda diirada lagu saari doona Howlaha ku Saabsan Dib u Howlgelinta Hayโ€™adda Waddoyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa furay shirka oo hadda ka socda xarunta SKA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sheegay iney muhiim tahay in ka qeyb galayaasha shirka ay ka faaโ€™ideystaan si ay kaga faaโ€™ideeyaan saaxiibada kale ee aan u suurta gelin iney ka sooย qeyb galaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...