Raa’sulwasaare kheyre “waa in ahmiyad kowaad la siiyo amniga”

Date:

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada iyo Wasiirada iney ahmiyadda Koowaad siiyaan Arrimaha Amniga,isagoona sheegay ineysan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,niyad jabna ku keeni doonin hal ama labo Qarax oo dhaca.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa Sidoo kale faray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Ku-xigeenadiisa iyo dhamaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha cusub ee Ciidamada,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay in gacmaha la is qabsado oo la soo afjaro amnidarada magaalada Muqdisho ka jirta.

“Taliyeyaasha cusub,Wasiirada iyo Anaguba waxaan isku ognahay iney Arrimaha Amniga ay yihiin ahmiyada koowaad,inaan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,inaanay na niyadjabin doonin hal ama labo Qarax oo dhaco,waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Guddoomiye ku-xigeenadiisa iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir waa iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada,” Ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka Gobolka,Shacabka iyo Ciidamada oo iskaashanaya iney dadaaleen waxyana uga dhiman tahay guusha,islamarkaana horay u sii socdaan si looga mira dhaliyo himilooyinka la hiigsanayo.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkaan shalay ka jeediyay xarunta Ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho oo uu booqday ayaa kula dardaarmay taliyeyaasha Ciidamada iney ka foojignaadaan isku dhac dhexmara Ciidamada sugaya amaanka Muqdisho,islamarkaana hubka iyo qalabka ee ciidan loogu dhiibay iney shacabka ku difaacaan cadowgana kula diriraan,balse aan iyagu isku dhac ku keenin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad siineysa sugida amniga,si meesha looga saaro kooxaha Argagxisada ee nabadda u diidan Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...