Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray howlgalkaasi, islamarkaana ciidanku ay dileen ilaa 5 ka tirsan maleeshiyada Shabaab ee weerarkaasi soo qaaday.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay gadaal ka soo sheegi doonaan khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray shacabkii ka ag dhawaa halkaasi marka ay soo dhamaato xog uruurintana ay soo gudbin doonaan.
Qarax koowaad ayaa ka dhacay Baakinga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT,sidoo kale Gaari saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin Sayidka,ciidamada oo horey uga feejignaa gaariga ayaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday maleeshiyaad ilaa 3 qof ahaa, iyadoo Daqiiqado kadib uu gaarigaasi uu ku qarxay aga-gaarka Taalada Dhagaxtuur.