Raa’iisul Wasaaraha Dalka oo la kulmey Raa’iisul wasaare ku xigeenka Turki

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan soo dhawayn ah la yeeshay Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan CawuลŸ oglu iyo wafti ballaaran uu hogaaminiyey.

waxa uuna Soomaaliya u yimid dardargalinta mashaaariic horumarineed oo dalkaTurkigu uu ka fuliyo Soomaaliya iyo xoojinta heshiisyo ganacsi oo ay wada galayn labada dawladood.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay booqashada uu Soomaaliya ku joogo Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo wadankiisa labaad yimid.

waxuuna sidoo kale u mahed celiyay shaqaalaha safaaradda iyo safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, sida ay marwalba ula shaqayaan dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga qayb qaataan xaaladaha deg deg ah ay marar qaar la kulmaan shacabka Soomaaliyeed.

Hakan CawuลŸ oglu Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa ka warbixiyay socdaalkiisii uu ku marayay qaarada Africa iyo booqashadiisa Soomaaliya, isagoona maanta dhagax dhigay jid isku xiridoona magaalada Muqdisho iyo xarun lagu tobaboro ciidamada oo ay dhismaheeda hirgaliyeen Turkiga.

aad baan u bogaadinayaa Goloha midowga ee wasiiradda dhaqaalaha labada dal, heshiiska Kulluumaysiga ee Soomaaliya, Xoojinta Amnigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dardargalinta siyaasada loo dhanyahay oo dhamaantood ay ku guulaystay Xukuumadda haatan jirta.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ka codsaday in la fuliyo heshiiskii dhaqaalaha ee ay wada saxiixdeen labada dal iyo in bangiyada dalka Turkiga ay xarumo ka furtaan Soomaaliya iyo sidoo kale in la balaariyo xarunta ay Turkigu ku tobobaraan ciidmada Soomaaliya.

Sidoo kale Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa waftiga la wadaagay in ay ka caawiyaan habkii ay biyo xirayn ugu samayn lahaayeen Wabigga Shabeelle oo haatan qalallay.

Riisul Wasaare Khayre ayaa cadeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dadyowga kale ka dhawaystaan walaalahooda reer Turki, taasina ay tahay dareen ay ku abuurteen qalbiyada dadka Sooomaaliyeed waligoodna ma iloobi doonaan sidii aad u garab istaagtayn wakhti ay dawladnimadoodu daciif ahayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...