Jaaliyada soomaaliyeed ee Uk oo soo dhaweyey dhalinyaradda tahriibayaasha ee dalka dib loogu soo celiyey

Date:

jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Ingiriiska ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ku soo deynayso muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada qaar kamid ah wadamada Caalamka.

Dr C/llaahi Maxamed Aadan  (Salaamullaah) oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Britain oo u waramayay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Qurba joogta Soomaaliyeed ay dareen ka qabeen dhibaatooyinka haysta maxaabiista Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan xabsiyada Caalamka.

wuxuuna sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Ingiriiska ay siweyn u soo dhaweynayaan dadaalada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo guud ahaan madaxda dowladdu ay ugu jiraan sidii xoriyadooda dib ay ugu heli lahaayeen maxaabiista.

“Marka hore waan uga mahadcelinaynaa Wakaaladda SONNA  fursaddan ay ina siisay,midda kale,waxaan maqlaynaa in dhalinyaro badan ay ugu jiraan xabsiyada caalamka sida tahriib iyo siyaabo kale, dhibna la kulmay in muddo ah,arrintaasi xanuun ayay nagu haysay,sida liibiya,India iyo Itoobiya,qurba joogta way soo dhaweynaysaa talaabada Dowladda Soomaaliya ay ku soo badbaadinayso maxaabiista Soomaaliyeed”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo bad baadisay kooxaha Magafayaasha ee Dalka Liibiya,iyadoo ay socdaan dadaalo lagu soo deynayo kuwo kale oo kujira xabsiyada Dalkaasi.

Horey Dowladda waxaa ay u soo deysay maxaabiis farabadan oo kujirtay xabsiyo kuyaala wadamada Itoobiya,India iyo Seychelles,kuwaasi oo soo gaaray Dalkooda Hooyo,qaarka kale oo weli xabsiyada kuxiran ayaa waxaa dowladdu ay qorsheynaysaa sidii Dadaal kadib loogu soo celin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...