Gudoomiyaha aqalka sare oo sheegey in muhiim ay tahey in la dhiso akadeemiyada fanka iyo suugaanta

Date:

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa xukuumadda u soo jeediyay in ay ku dedaasho hir-gelinta xarumaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanka , Akadeemiyad Goboleedka AGAH, golaha murtida iyo madadaalada, Maktabadda iyo Madbacadda Qaranka oo muhiim u ah Dowlada Soomaaliya.

Mudane Xaashi; oo ka hadlayay xuska Maalinta Afka Hooyo oo shalayto ka dhacay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo Suugaanta ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalka soo nooleynta xarunta golaha murtida iyo madadaalada Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa golaha ku tilmaamay isku xiraha Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay ย Fanaaniinta Qaranka nolashooda, caafimaadkooda iyo qalabkii ay ku shaqayn lahaayeenba in wax laga qabto.

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadaasi ka balanqaaday in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ku bixin doonto sidii sare loogu qaadi lahaa Afka Hooyo ee Soomaaliga ah,wuxuuna xusay in dhawaan la dhisidoono xaruntii Akadeemiyad Goboleedka oo la dhagax dhigay sanadkii 2015kii,dowladduna ay lacag dhan 1 Milyen oo dollar ay ku bixineyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...