Guddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in hufnaanta hannaanka maamulka iyo maaliyadda ay asaas u tahay shaqada maamulka Gobolka, sidaas daraadeedna kor loo qaadi doono isla xisaabtanka heer gobol iyo heer degmo.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Gobolka ayaa xaqiijiyey in ujeedku uu yahay daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo in si siman ay uga wada faa’iideystaan bulshada gobolka Benaadir.

“Maamulka degmooyinku waxa ay laf dhabar u yihiin baahinta iyo daadajinta adeegyada asaasiga ah. Si taas loo xaqiijiyana waa in aad horseed ka noqotaan qorsheyaasha ku saleysan la dagallanka musuqmaasuqa iyo in si caddaalad ah loogu adeego bulshada gobolka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo la hadlayey maamulka degmooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa warbixinno ku saabsan amniga, adeegyada asaasiga ah, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran ka dhageystay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka wada arrinsaday latashiyada bulshada gobolka Benaadir ee ku aaddan geeddi socodka doorashooyinka dalka iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cusman Cumar (Eng. Yarisow) ku wehelinayey Ku Xigeennadiisa Arrimaha Bulsha Marwo Basmo Caamir Axmed, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo sidoo kale Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...