Danjiraha Turkiga soomaali u fadhiya oo casho sharaf u sameyey diblamaasiin soomaali ah oo tababar dhameystay

Date:

Safiirka Jamhuuiriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga H.E. Mr. Jama Abdullahi Mohamed ayaa xaflad casha sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay Caasimadda Ankara toban “10” diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo tababar diblomaasiyadeed oo muddo hal todobaad socon doona ku qaadanaya Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkey.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta tababarka u socda inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta casharada, ayna bilow cusub u noqdaan isbadallada guusha leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hiigsanayso, isaga oo xusay in tababarada lagu tayeynayo howlwadeennada kala duwan ee hey’adaha dowladda ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay muujiyeen, waxaanu caddeeyay in kooxdii labaad ee Wasaaradda Beeraha ka socota lagu tababari doono dalka Turkiga si dalku u noqdo mid isku filnaada xagga cunnada iyo wax soo saarka.

Amb. Jama Abdullahi Mohamed oo la hadlayay diblomaasiyiintaasi ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waa muraayadda dalka, waa wejiga laga eegayo qarankeena, waa inaad noqotaan kuwa hagaajiya wejigaasi oo wax weyn ka badala habka shaqo ee xilligan”.

Danjiruhu waxa uu ammaanay taageerada is xilqaanka leh ee Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkiisu weli u baahan yahay taageero dhinacya badan leh sida dib u dhiska kaabayaasha kala duwan ee dhaqaallaha si qaranku u noqdo mid isku filan.

Casha sharafta oo jawi degan oo heer sarreeya ku dhammaatay, laguna qabtay Maqaayadda caanka ah ee recep usta ee Ankara (Meşhur Tavacı Recep Usta) ayaa waxaa Safiirka ku wehlinayay Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane, Bishar Ugaas Ibrahim iyo Qunsulka Safaaradda Mudane, Suleiman Mohamed Karshe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...