Munaasibad ballaaran oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu si buuxda xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hayโadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran Xuseen Cusmaan Xuseen oo 19 bishaan loo magacaabay Hayโadda NISA.
Xilwareejintaย oo ka dhacday Xarunta Heyโadda NISA waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir ku xigeenka amniga, Xildhibaano, Saraakiil, Sareeyeyaal, iyo taliyeyaasha Qeybaha kala duwan ee Hayโadda NISA.
Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ahaa Kusimiha ย Agaasimaha Heyโadda ahaana Taliye ku xigeenka NISA oo xilka Ku Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Heyโadda ayaa sheegay in Hoggaanka Hayโadda ay garab istaagayaan Agaasimaha Cusub.
โWaxaa heysataa saraakiil qubarro ah oo daacad ah, waxaan uga mahadcelinayaa sidii ay ii garab istaageen mudadii gaabneed ee aan xilkaan sii hayay, waxaana Garab kugu siineynaa shaqada Hayโadda NISAโ
Agaasimaha Cusub ee Hayโadda Nabad sugida iyo Sirdoonka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa ugu horreyn u Mahad celiyay Madaxda iyo Hogaanada NISA isagoo hoosta ka xarriiqay in Hayโaddani ay laf-dhabar u tahay Qaranka, xoojinteeda ay ka shaqayanayaan si ku dhisan cadaalad.
โAqoon badan ayaan u leeyahay howlaha Amniga Quseeya, NISA waxaan xasuustaa duruuftii ay ku howgaleysay xilligii dowladdii Carta lagu soo dhisay oo aan wasaaradda Amniga Wasiir ku xigeen ka ahaa, meesha maanta ay joogto waa meel wax laga sii wadi karo, waxaan idiin ballanqaadayaa in aan la diriridoono Musuqa, Cadaaladda darada iyo nin jecleysigaโ ayuu yiri Ag Xuseen Cusmaan
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo hadal ka jeediyay munaasibadda ayaa ammaanay dowrka NISA ee howlaha xasilinta Amniga, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii ay ka bexeen Shuhadadii NISA ee naftooda u huray difaaca shacabkooda Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen.
Wasiirka Amniga wuxu hadalkiisa intaa ku daray in Soomaaliya ay Marayso Waqti Wanaagsan oo xilalka lagu kala wareegayo si dimuqraadi ah.
โXilku waa meerto, waa qori isku dhiib, Soomaaliya waxa ay ka gudubtay in iyadoo aan is colaadin oo aan gacan kahadal dhicin xilalka lagu kala wareejinayo si dimuqraadi ah, laakiin waxaan rabaa in aan dhaho siyaasiyiinta Soomaaliyeed fadlan marka xilka lagaa qaado adigoon qarankaaga waxyeeleyn sug inta laguu magacaabayo kuris kaleโ ayuu yiri Wasiir Ducaale.
Munaasibadda ayaa intii ay socotay waxaa Sugaan madadaallo ah ku soo bandhigay kooxda Fanaaniinta Hayโadda NISA ee HILLAAC, waxayna ugu dambeyn ku soo dhamaatay jawi aad u qurux badan.