Waxaa Saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Isbitaalka Ordogaan EX Digfeer ee magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu Caansan Soomaaliya.
Marxuum Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa Baraarujinta bulshada iyo inuu ku wacyi galin jiray sidii ay isku kaashan lahaayeen, dibna ugu dhisan lahaayeen dowladnimadooda
Nabadoonka oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa ayaa lagu dabiibayay Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan oo uu ku geeriyooday.
Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Diiriye waxaa uu ifka kaga tagay 52 Caruur uu dhalay iyo waxay sii dhaleen,Waxaana lagu Aasi doonaa Maalinta Arbacada ee ku beegan 21/2/2018 Magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.