Guddiga doorashooyinka qaranka oo kulan la qaatey Shacabka Gobalka Banaadir

Date:

kulankaani oo qeyb ka ahaa wadatashiyada mudooyinkii dambe ay wadeen Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka  ee la xiriira habraaca doorashooyinka Somaaliya iyo sida lagu gaari karo dooorasho qof  iyo cod ah sanadka 2020 ayay maanta Guddigu la qaateen haween ka kala socoday 17-ka degnmo ee Gobolka Banadir iyo urururada Haweenka.

iyadoo kulanka maantana waxyaabaha diirada lagu saaray ay ka mid aheyd kor u qaadista doorka Haweenka ee ka qeyb galka Doorashada.

Gudoomiyaha Guddiga Madxa bannnaan ee Doorashooyinka Qaranka  Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Haweenku ku baraarugaan ka qeybgalka dootrashooyinka  go’aanada  masiirka Umadda  Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah xubnihii ka socday ururada Haweenka ee kulanka ka qeybgalay ayaa dhankooda balan qaaday inay la shaqeyn  doonaan Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka

28-ka Bisha March ee soo socota ayaa la filayaa in Shir Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay u balansan yihiin inuu ka dhaco Magaalada Beydhabo la horgeeyo warbixinta Guddiga madaxa banaaan ee Doorashooyinka qaranka ee ku saabsan Habraaca Doorashooyink  kadib wadatashityo  Guddigu la sameeyay maamul Goboleedyada  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...