Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio

Date:

Munaasabadda casha sharafta ah waxaa soo abaabulay urur siyaasi ah oo ka dhisan Gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee )  waxaana xafladda ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus.

Dadka ka hadlay xafladan cashada ah waxa ay intooda badan u hambalyaynayeen Wasiirka oo ay in badan soo wada shaqeeyeen mudadii uu ahaa Safiirka u fadhiyay dowladda Soomaaliya magalada Washington DC, iyaga oo ku tilmaamay in Wasiirku uu yahay shaqsi waxbadan ka qaban kara arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga.

Wasiir Cawad ayaa dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka dagan ka codsaday in la dhiso guri ay yeelato safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Mareykanka iyo in arintaas la iska xil saaro, waxa uu xusay in mudadii uu safiirka ahaa uu ka gaabsaday in uu soo bandhigo fikirka dhismaha safaaradda isaga oo xusay in dadku u arki karaan in macne kale laga wato ama dano gaar ah laga leeyahay, balse waxa uu xusay in iminka uusan safiir ahayn balse uu ogyahay baahida jirta.

Qurba joogta Mareykanka ayuu ku dhiiragaliyay in ay dalkii dib ugu laabtaan isla markaana Indhahooda ku soo arkaan waxa ka jira, waxa uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya is badashay isla markaana ay ku taagantahay wadadii Horumarka iyo is badalka.

“Waa muhiim in aad waqtigiina qaar siisaan dalka oo aad maskax maal iyo aqoon ku celisaan xitaa hadii intaas aadan awoodin adigu tag oo fasaxaaga ku soo qaado waxaan hubaa in aad la soo laaban doonto wax ka duwan waxa aad aaminsantahay hadeer” ayuu yiri Wasiirka oo dhiiragalinayay qurbaoogta.

Waxaa la weydiiyay su’aalo aad ubadan oo meelo kala duwan taabanayay waxana ugu danbayn Wasiirku u balan qaaday in uu samayn doono qorshe isku xiri doona qurba joogta iyo Wasaaradda arrimaha dibadda si loo helo iskaashi wax badali kara.

Waxaa la gudoonsiiyay Wasiirka shahaado sharaf oo ka socday dhowr xaafiis oo ka mid ah xaafiisyada dowladda gobolkan Ohio.

Dhanka kale Wasiirka ayaa booqday xarunta codbixinta ee xaafada Soomaalidu ugu badantahay isaga oo la kulmay howl wadeenada xarunta iyo shaqaaleheda isla markana waxaa lagu soo wareejiyay qeybaha xarunta, iyada oo loo sharaxay hanaanka codbixinta casriga iyo sida ay uga shaqeyso halkan.

Wasiirka ayaa ujeedka booqashada xaruntan ku sheegay in ay qiimayn ku samaynayaan hananka doorashooyinka caalamigaa ee wadamo badan oo caalamka ku yaal si dowladda Soomaaliya ay u diyaariso waqtiga dhow doorasho madax banaan oo Qof iyo Cod ah.

Wasiir Cawad ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Mareykanka isaga oo kulamo la soo qaatay Soomaalida Virginia, Minnesota, Ohio iyo kuwo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...