Akhriso: Magaca rasmiga ah ee horjooge sare oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda Ee Gedo.

Date:

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Horjoogahaasi oo is soo dhiibay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Nuur Macalin Xasan ayaa watay qori AK47 ah iyoo 4 baaskoolad oo uu kala soo goostay maleeshiyada Alshabaab,sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay Isxaaq Xuseen Mursal oo kamid ah saraakiisha Dowladda ee Gobolka Gedo.

Waxaa ninkan oo is soo dhiibay haatan uu gacanta ugu jiraa ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gedo ku sugan,iyadoo tani ay qeyb ka tahay firxadka iyo qulqulka maleeshiyada iyo horjoogayaasha Shabaab oo si xowli ah isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya.

Sababaha ugu badan ayaa ah khilaaf ka dhextaagan Al-shabaab dhexdooda,taasi oo horseeday in xitaa horjoogihii ugu sareeyey Alshabaab uu ka soo goosto islamarkaana uu ku dhuumaalaysanayo Gobolka Gedo.

Dhawaan ayay ahayd markii maleeshiyaada ka tirsanaa Alshabaab ay isku soo dhiibeen ciidmaad Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...