Akhriso: Magaca rasmiga ah ee horjooge sare oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda Ee Gedo.

Date:

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Horjoogahaasi oo is soo dhiibay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Nuur Macalin Xasan ayaa watay qori AK47 ah iyoo 4 baaskoolad oo uu kala soo goostay maleeshiyada Alshabaab,sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay Isxaaq Xuseen Mursal oo kamid ah saraakiisha Dowladda ee Gobolka Gedo.

Waxaa ninkan oo is soo dhiibay haatan uu gacanta ugu jiraa ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gedo ku sugan,iyadoo tani ay qeyb ka tahay firxadka iyo qulqulka maleeshiyada iyo horjoogayaasha Shabaab oo si xowli ah isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya.

Sababaha ugu badan ayaa ah khilaaf ka dhextaagan Al-shabaab dhexdooda,taasi oo horseeday in xitaa horjoogihii ugu sareeyey Alshabaab uu ka soo goosto islamarkaana uu ku dhuumaalaysanayo Gobolka Gedo.

Dhawaan ayay ahayd markii maleeshiyaada ka tirsanaa Alshabaab ay isku soo dhiibeen ciidmaad Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...