Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo daah furey kulamada wadatashiga Dadweynaha

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa daahfuray kulammada wadatashiyada dadweynaha ee geeddi socodka Doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020ka.

Kullammadaaan oo ku saabsan uruurinta tallooyinka iyo caqabadaha ku xeeran doorashooyinka dalka ayuu ku tilmaamay Guddoomiye Yariisow mid fursad wanaagsan u ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay qeyb uga noqon lahaayeen go’aan ka gaarista mustaqbalka dalkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay muujinta kaalinta iyo maqaamka ay leeyihiin shacabka Gobolka, iyadoona la xaqiijinayo danta guud iyo dib u kabashada dalka.

“Bulshada gobolka Benaadir waxa ay u bisil yihiin sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgasho dalka, arrinkaas oo muhiimad weyn u leh muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, balse waa in doorashada ka hor fursad ay u helaan bulshadu sidii ay uga talo dhiiban lahaayeen.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka dalka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa ku bogaadisay bulshada Benaadir sida wadaniyadda leh ee ay uga talo dhiibtaan arrimaha masiiriga ah iyadoona sheegtay in kaalin muhiim ah ay ku leeyihiin qabsoomidda doorashada “qof iyo cod” sanadka 2020.

Kulankan oo daah fur u ah kulammada wada tashiga ee ku saabsan Geeddi socodka Doorashooyinka ayaa lagu qaban doono degmooyinka gobolka Benaadir waxaana daah furka maanta ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Koowaad ee Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo xubno ka tirsan Guddiga madaxa Bannaan ee Doorashoyinka iyo ururada bulshada rayidka ah ee Gobolka Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...