Shirkii u dhaxeeyey Booliska Federaalka iyo kuwa goboleedyada oo Bay-dhabo ka socdo (Sawirro).

Date:

Waxaa maalintii Labaad galay Shirkii ka socday Magaaladda Baydhabo ee u dhaxeeyey Booliska Federaalka, kuwa dowlad goboleedyadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaraddaha dhigeeda ah ee Maamulada dalka ka jira, waxaana shirkaasi diiradda lagu saarayaa arrimaha ammaanka dalka.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo kulankaasi shir guddoominaya ayaa kulanka kadib booqasho ku tagay dhowr Xarumood oo Booliska Magaaladda Baydhabo ay ku sugnaayeen, waxaana kormeerka ku wehliyey Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saraakiil kale.

S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax, Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Abaal marino Lacageed guddoonsiiyey qaar kamid ah Ciidanka ku sugnaa Xarumaha uu booqashada ku tagay, taasi oo ah mid lagu dhiiri gelinayo Ciidanka, si ay u laba jibaaraan Shaqada culus ee Qaranka ay u hayaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...