Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyo wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka XfS oo ka wada hadlay dib u dhiska garoomada.

Date:

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Goboleedka Hirshabeele iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Jowhar kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadidka iyo duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya oo shalay halkaasi Gaaray.

Madaxda hirshabeele iyo wafdigan oo uu hoggaaminayay Maareeyaha  Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii maamulka Hirshabeele looga gacan siin lahaa mashaariic horumarineed sida dib u dhiska garoomada Diyaaradda.

Cabdullaahi Maxamed Rooble Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay joogaan meel bilaaw ah oo u baahan in wax loo qabto.

“Hadad waxaan joogaan meel bilow ah,maamulada kale marka loo fiiriyo marka waxaan rajaynaynaa in aad gaari doono horumar,wafdigiina waxaan idinkaga baahanahay sidii aad gacan nooga siin lahaydeen howlaha lagu horumarinayo Hirshabeele”. Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Hirshabeele.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa intaasi ku daray in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay gaaraan dhawaan horumaro lamid ah kuwa kajira deegaanada kale oo maamul goboleedyada Dalka,wuxuuna soo hadal qaaday sida laga ma maarmaanka ay u tahay dib u dhiska garoomada Diyaaradaha Hirshabeele.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...