Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyo wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka XfS oo ka wada hadlay dib u dhiska garoomada.

Date:

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Goboleedka Hirshabeele iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Jowhar kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadidka iyo duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya oo shalay halkaasi Gaaray.

Madaxda hirshabeele iyo wafdigan oo uu hoggaaminayay Maareeyaha  Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii maamulka Hirshabeele looga gacan siin lahaa mashaariic horumarineed sida dib u dhiska garoomada Diyaaradda.

Cabdullaahi Maxamed Rooble Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay joogaan meel bilaaw ah oo u baahan in wax loo qabto.

“Hadad waxaan joogaan meel bilow ah,maamulada kale marka loo fiiriyo marka waxaan rajaynaynaa in aad gaari doono horumar,wafdigiina waxaan idinkaga baahanahay sidii aad gacan nooga siin lahaydeen howlaha lagu horumarinayo Hirshabeele”. Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Hirshabeele.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa intaasi ku daray in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay gaaraan dhawaan horumaro lamid ah kuwa kajira deegaanada kale oo maamul goboleedyada Dalka,wuxuuna soo hadal qaaday sida laga ma maarmaanka ay u tahay dib u dhiska garoomada Diyaaradaha Hirshabeele.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...