Dowladda Soomaaliya oo soo deynaysa 20 Carruur ah oo ka mid ahayd Tahriibayaasha ku xanniban Liibiya

Date:

Ugu yaraan Labaatan Carruur ah oo ka mid ah Dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dalka Liibiya kana soo badbaaday Gacanta tahriibiyeyaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda federaalka u dirtay halkaasi oo safar ku tagay Liibiya iyo Tuniisiya ayaa sheegtay inuu haatan socdo dedaal ku aaddan sidii ay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celin lahaayeen Dalkooda.

Maryan oo u warrantay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay inay jiraan carruur badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan, kuwaasoo qaar ka mid ah ay haatan ku guuleysteen inay soo celiyaan dhawaan, halka inta hadhayna ay waqtiyada xiga soo deyn doonaan.

Ergeyga ayaa intaa raacisay in Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ay halkaasi ku haysataan tacaddiyo ba’an oo xagga nolosha iyo xorriyaddaba ah.

Maryan ayaa walaac xooggan ka muujisay dhibaatooyinka ba’an ee ay kooxaha magafayaashu u geystaan Dadka Tahriibaya , kuwaasoo intooda badan ku sugan meelo ayan Dowladda Liibiya gacanta ku hayn ama goobo qarsoodi ah iskana qariya laamaha ammaanka.

Carruurta haatan lagu wado in lagu soo celiyo Dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Tahriibayaasha ayaa u sheegay wafdigan dowladda federaalka ka socda iyo saraakiisha hay’adda IOM in laga qaato lacago ka badan inta ay sheegtaan magafayaashu, balse aysan ciqaabta iyo haysashaduba lahayn waqti xaddidan.

Dadka Soomaaliyeed ee Tahriibta ku tegey Dalka Liibiya ayay ku qiyaastay Kumanaan Qof oo u badan Dhallin yaro, kuwaasoo loo geysto Jirdil Kufsi iyo ciqaabo kulul oo qaarkood ay u dhintaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddadii Sanadka ahayd ee ay jirtay ku dedaashay inay xabsiyada iyo goobaha kale ee lagu haystoba ay kasoo sii deyso Maxaabiis badan oo u xirnaa siyaabo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....