Raโ€™iisulwasaaraha Xukumada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayay masโ€™uuliyiintu ka wada hadlayn xoojinta iyo wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga qayb qaadan lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka guud ee wadanka.

Safiirka Faranse u qaabsilsan arrimaha Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay horumarka ay samaysay mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha mudada dheer lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado wadamada horumaray hadii laga cafiyo daymaha.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo dardargalinta arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin Maaliyadda, Amnigg,a la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.

โ€œSoomaaliya uma baahana oo kaliya in lagu taageero lacag, balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi lahaa daymaha. Sidoo kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo jidad casriyaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Khayre.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladda ay ku dadaalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka,waxuuna u soo jeediyay in dalka Faransa uu qayb muhiim ah ka qaato sidii dunidda loo tusi lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu caalamku uu maalgashi uga samaysto Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...