Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo degmada Boondheere ka furay xarun Waxbarashada dadka Waaweyn

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay degmada Boondheere ka furay barnaamij ku saabsan Waxbarashada dadka waaweyn oo lagula dagaalamayo jahliga.

Barnaamijkan oo muddo socon doona ayaa waxaa la rabaa in laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo qorshuhu yahay in dadka Caasimadda ku nool ay wax akhrin karaan waxna qori karaan.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

“Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha maamulka ee la dagaallanka jahliga, waxuu sidoo kale kor u qaadayaa in dadku wax akhriyaan waxna qoraan, taasina runtii waa lagama maar-maan. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu ay tahay asaaska lagu horumariyo dalka, waxaan kaloo aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xusay maadaama uu dalku u gudbayo marxalado kala duwan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, lana geli doono doorashooyin hal qof iyo hal cod ah loo baahan yahay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo, sidaas daraadeedna ay rabaan xilli hore in la bilaabo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta bulshada.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu halkaas lagu soo bandhigay heeso iyo bandhigyo ka turjumaya dhaqanka ay caanka ku tahay degmada Boondheere.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...