Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo degmada Boondheere ka furay xarun Waxbarashada dadka Waaweyn

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay degmada Boondheere ka furay barnaamij ku saabsan Waxbarashada dadka waaweyn oo lagula dagaalamayo jahliga.

Barnaamijkan oo muddo socon doona ayaa waxaa la rabaa in laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo qorshuhu yahay in dadka Caasimadda ku nool ay wax akhrin karaan waxna qori karaan.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

“Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha maamulka ee la dagaallanka jahliga, waxuu sidoo kale kor u qaadayaa in dadku wax akhriyaan waxna qoraan, taasina runtii waa lagama maar-maan. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu ay tahay asaaska lagu horumariyo dalka, waxaan kaloo aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xusay maadaama uu dalku u gudbayo marxalado kala duwan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, lana geli doono doorashooyin hal qof iyo hal cod ah loo baahan yahay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo, sidaas daraadeedna ay rabaan xilli hore in la bilaabo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta bulshada.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu halkaas lagu soo bandhigay heeso iyo bandhigyo ka turjumaya dhaqanka ay caanka ku tahay degmada Boondheere.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...