Howlgaladaan oo ahaa Mid Qorsheysan ayaa Cidamada Xoogga Dalka waxa ay ka Fuliyaan Degaanada Farsooley, Janaale, Turatoorow, iyo Mubaarak oo kawada Tirsan ee Gobalka Shabeelada Hoose iydoo Qasaaro Xogan lagu geystey Maleyshiyaadka Al Shabab.
Degaanka Mubaarka ayaa Maleyshiyaadka Al shabab laga Gubey idaacad Fm ah oo ay ka tadeyna jireen Afgaardooda Qaldan iyo labao Gadiid oo ay ka buuxeen Walaxa Qarax isla markaane ay doonayeen iney ku dhibaateyaan Dadka rayidka ah.
Waxaana Howlagaladaasi Hogaamniyay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee ka Baxay Degmada Baraawe Waxa ay la wareegaan Degmada Sablaale Halkaas oo ay iska Carareen Maleyshiyaadka Al shabab kadib markii ay ka Baqeen iney Cashir u dhigaan Cidamada Xoogga Dalka sidoo kale wax ay la wareegeen Degaanka Awdhigle ee Gobalka shabeelada Hoose.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laah Cali Canood oo la hadlyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in howlgaladaani sii socon doonaan, maleeshiyaadka shabaabna laga saari doono meel walbo oo ay ciida soomaliya ka joogaan.