Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Bakistaan oo ka qeyb galay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga Afrika

Date:

Shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga Africa iyo Pakistan oo ka dhacay Magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin katirsan Safaraadda Somaaliya oo uu horkacayay u qeybsamaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda.

Shirkan oo ay siwada jir ah ay u gudoominayeen Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Dalka Pakistan iyo sii hayaha Gudoomiyaha Safiirada Africa ee jooga Pakistan ahna safiirka kenya u fadhiya islaamabad mr Julius kibet Bitok ayaa waxaa lagu falanqeeyayMashruuca Siyaasadda Ganacsi ee Africa.

Uqaybsanaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Saafardda Soomaaliya ee Pakistan Khadar Dheen Guueled ayaa ka jeediyay qudbad hoga tusaaleynaysa kana xog warameysa dhaqaalaha dalka iyo sida Soomaaliya diyaar ugu tahay in horumuud ka noqoto mashruuca ay pakistan ku damacsantahay in ay ku faafto suuqyada africa .

Khadar Dheen Guuled ayaa yiri ” Dowlada Soomaaliya waliba Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa ka go’an wanaajinta xiriirka ganacsi ee labada dal, waxaana tusaale u ah  wareegto cusub oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga, taasoo ahayd in Soomaaliya diiradda saarto wanaajinta xirrirka ganacsi ee 16-Wadan oo safka hore ay uga jirto Pakistan na waxay ka gashay kaalinta labaad”

U qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya dalka Pakistan ayaa xusay in iyadoo laga faa’iideysanayo Sharciga Maalgashiga Shisheeye ee ay ansixiyeen Baarlamnaka Soomaaliya uu dalku diyara u yahay Maalgashi iyo xiriir ganacsi oo caalami ah.

Wadanka Pakistan ayaa waxa uu kamid yahay dalalka xiriirka Ganacsi ee qotada dheer la leh Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ay wadaan dadaalo kor loogu qaadayo fursadaha Gancsi ee Soomaaliya ka jirta iyo sida dalka loogu heli karo maalgashi hor leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...