Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Bakistaan oo ka qeyb galay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga Afrika

Date:

Shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga Africa iyo Pakistan oo ka dhacay Magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin katirsan Safaraadda Somaaliya oo uu horkacayay u qeybsamaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda.

Shirkan oo ay siwada jir ah ay u gudoominayeen Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Dalka Pakistan iyo sii hayaha Gudoomiyaha Safiirada Africa ee jooga Pakistan ahna safiirka kenya u fadhiya islaamabad mr Julius kibet Bitok ayaa waxaa lagu falanqeeyayMashruuca Siyaasadda Ganacsi ee Africa.

Uqaybsanaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Saafardda Soomaaliya ee Pakistan Khadar Dheen Guueled ayaa ka jeediyay qudbad hoga tusaaleynaysa kana xog warameysa dhaqaalaha dalka iyo sida Soomaaliya diyaar ugu tahay in horumuud ka noqoto mashruuca ay pakistan ku damacsantahay in ay ku faafto suuqyada africa .

Khadar Dheen Guuled ayaa yiri ” Dowlada Soomaaliya waliba Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa ka go’an wanaajinta xiriirka ganacsi ee labada dal, waxaana tusaale u ah  wareegto cusub oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga, taasoo ahayd in Soomaaliya diiradda saarto wanaajinta xirrirka ganacsi ee 16-Wadan oo safka hore ay uga jirto Pakistan na waxay ka gashay kaalinta labaad”

U qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya dalka Pakistan ayaa xusay in iyadoo laga faa’iideysanayo Sharciga Maalgashiga Shisheeye ee ay ansixiyeen Baarlamnaka Soomaaliya uu dalku diyara u yahay Maalgashi iyo xiriir ganacsi oo caalami ah.

Wadanka Pakistan ayaa waxa uu kamid yahay dalalka xiriirka Ganacsi ee qotada dheer la leh Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ay wadaan dadaalo kor loogu qaadayo fursadaha Gancsi ee Soomaaliya ka jirta iyo sida dalka loogu heli karo maalgashi hor leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...