Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah G/sare Cabdi Naasir Xoosh

Date:

Ugu  horreyn  eede ay soo gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo jeediyay eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyaha  raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana eedda loo jeediyay ku xusnaa in uu dil barer ah u geystay AUN S/guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa EX Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

G/sare  Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uusan si ku tala gal ah u dilin Marxuumka  balse ey kaga fakatay sida uu sheegay.

Dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada ayaa kadib dooda guda galay, waxa eyna xafiiska xeer ilaalinta ugu horreynba garsoorka weydiisteen in loo ogolaado in la dhageysto markhaatiyeel goob-joog u ahaa wixii dhacay, waxa eyna dhammaan  sheegeen in uu jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxa ey xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan..

Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo  uu bixiyo  Diyo dhameystiran ..

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Genaral, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino)..

Ugu dambey, dhageysiga kiiskan oo sacada badan qaatay ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee  Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galayay dhageysiga dacwaddan in go’aanka Maxkamadda eey dib ka soo saari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...