Booliska Kenya oo qabtay Haweeneey looga shakiyay Argagixisanimo

Date:

Guddoomiyaha Degmada Kilifi ee Dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in Laamaha ammaanku ay Haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo,Saidia Matani; ku qabteen Magaalada, Shalayto gelinkii dambe, ka dib markii ay diidday in la baaro.

Mr; Mutindika ayaa sheegay in Haweeneydan laga helay Saddex baasaboor oo ay lahaayeen Dad kala duwan , wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan, si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay hayaan raadad caddeynaya inay Haweeneydani ku lug leedahay kooxaha Argagixisada, waajibna ay ku tahay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan isla markaana ay sharciga la tiigsadaan.

Haweeneydan ayaanan weli la shaacin Waddanka ay kasoo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.

Isha/The Standard

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...